Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Mareykanka ayaa uga digay Falastiin inay hakiyaan kulan ay La qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, kaddib go’aankii madaxweyne Trump

Published on December 8, 2017 by   ·   No Comments

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa uga digay dowladda Falastiin inay hakiyaan kulan ay dhammaadka bishaan la qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, kaddib go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.

DigniintaMareykanka ayaa imaaneysa kaddib warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Xubin sare oo ka mid ah xisbiga madaxweyne Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus.

Mr Pence ayaa lagu wadaa inuu booqdo Bariga Dhexe, dhammaadka bishan.

Kolsii horeysay, in ka badan 30 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay isku dhacyo ku dhexmaray ciidamadda Israa’iil iyo dibad-baxayaal Falstiiniyiin ah, magaalada la heysto ee Daanta Galbeed.

Dibab-baxayaasha reer Falastiin ayaa ka careysnaa go’aankii madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

Sikastaba, Kaaliyaha Aqalka Cad ayaa sheegay in kulanka uu sidiisa u dhici doono.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Madaxweynaha Soomaaliland Oo Ka Dhoofay Hargeysa Xilli Dagaal Uu Ka Socdo Tukaraq

May, 24, 2018
Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa goordhow waxa uu ka duulay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa.   Muuse ...

Yemen Oo la giliyay Xaallad Degdeg Ah Iyo Ku-Dhawaad 20 Qof Oo Lagu La’ Yahay Duufaan Ku Dhufatay Jesiiradda Soqotra Ee Dalkaasi.

May, 24, 2018
Qaar ka mid ah dadka la la’ yahay ayaa ahaa shaqaale la socday 2-dooni oo degtay, kadib, markii ...