Wednesday, December 13th, 2017
Advertisements
Advertisements

Maxkamadda sare ee Mareykanka oo taageertay go’aankii Trump ee xayiraada socdaalka

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments

Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa taageertay go’aankii dhinaca xayiraada socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump ku soo rogay illaa lix dal oo Muslimiin ah.

Todobo ka mid ah sagaalka xaakim ee Maxkamadda sare ayaa isku raacay go’aanka, iyagoo laalay dhamaan go’aanadii Maxkamadaha hoose ay horay u soo rogtay.

Go’aanka Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa guul u ah Madaxweyne Trump oo tan iyo markii uu xilka la wareegay uu xayiraada dhanka Socdaalka ku soo rogay lix dal oo Muslimiin ah, kuwaasoo kala ah Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Sidoo kale go’aankan ayaa saameyn doona muwaadiniinta dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Venezuel oo horay Donald Trump amaro uga soo saaray.

Go’aankan Maxkamadda sare ayaa keeni doono caqabado dhanka sharciga ah oo saameyn doona dadka Muslimiinta ee ka soo jeeda dalalkaas ee doonaya inay galaan Mareykanka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO MUUQAALKA: Ciyaartii Barbaraha Ee Hirshabelle Vs Puntland Iyo Sidey Ugu Soo Gudbi Karaan Semi-final ka

December, 12, 2017
Kooxda xafidaneysa koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Putland ayaa galabta ciyaar faraha looga gubtay bar baro ka tuugtay ...

{DAAWO SAWIRADA} Farxaan Booq oo guuldarro ka bad baadiyay Ciyaartooyda Puntland

December, 12, 2017
Xulka difaacanaya koobka ee Puntland ayaa waqti dambe bar baro ka helay Hirshabeele ciyaar xiiso badan oo ka ...