Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

Nin loo xiray in uu xaaskiisa iyo ilmo kiis ah qasab uga kaxeeyay Australia

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Nin lagu eedeeyay in uu xaaskiisa iyo dabadh uu dhalay ku qasbay in ay ka tagaan Australia oo ay aadan Hindiya ayaa lagu xiray magaalada Sydney.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan oo 27 jir ah uu xaaskiisa iyo gabadhiisa u adeegsaday hanjabaad, caddaadis iyo khayaano si ay Australia uga baxaan bishii Maarso iyaga oo aan raali ka ahayn.

Markii ay baxeenna wuxuu isku dayay in uu nasakho dal ku galkii ay Australia siisay xaaskiisa oo Hindiya ku dhalatay.

Ninkan ayaa maxkamadda la soo taagay Talaadadii isaga oo loo haysto saddex dacwadood oo ay ka mid yihiin in uu dad si sharci darro ah ku safriyay iyo in uu adeegsaday dhokumantiyo been abuur ah.

“Waa arrin dhib badan in aan aragno qof dhibane ah iyo ilmaheedii yaraa oo ay Australia caawinaysay in la geeyo dal kale iyadoo aysan jirin wax ku qaadaya in ay dalkoodii ku laabtaan,” ayuu yiri Dan Evans oo ka mid ah masuuliyiinta booliiska faderaalka.

Ninkan oo muwaadin Australian ah oo aan magaciisa loo sheegi karin aarrimo sharci dartood ayaa ku guuldaraysay in isku day uu ku doonayay in xaaskiisa lagagala noqdo dal ku gal, gabadhiisa yarna lagagala noqdo baasaboorka Australia, sida uu booliisku sheegay.

Haweenayda ayaa la xiriirtay urur la dagaalama adoonsiga ka dib markii ay ka tagtay Australia ee ay gaartay Hindiya, ururkaas ayaana masuuliyiina dawladda ku wargaliyay.

Ninka ayaa damiin lagu siidaayay wuxuuna maxkamada mar kale soo hor istaagi doonaa qaybta dambe ee bishan.

Booliiska Australia ayaa sheegay in dambiyada la xiriira adoonsiga ama dadka sida sharcidarrada ah loo dhoofiyo in ay ka mid yihiin kuwa aan inta badan dawlada lala wadaagin.

Dhawaannahanna waxay baaritaan ku sameeyeen 150 kiis oo arrintaas la xiriirta.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda