Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man United & Arsenal Ee Kulankii Ay Red Devils Guusha Wayn Ku Soo Gaadhay Emirates Stadium-Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka?

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Manchester United ayaa saddex dhibcood oo lix dhibcood u dhigma ka soo qaadatay Arsenal kulan xiiso khaas ah lahaa oo ay labada kooxood si wayn ugu dagaalameen. Kulankan waxaa taariikh ka sameeyay goolhaye David De Gea kaas oo darbooyinkii ugu badnaa ee goolka lagu bartilmaameedsaday ka beeniyay Gunners. Marka la eego xogta kulankan ee Man United iyo Arsenal waxaad marka hore filan kartaa in koox kasta oo samaysay waxqabadkii Arsenal ay guulaysan karto balse taasi waxay noqotay mid aan dhibco ahaan waxba ka tirsan Gunners.

Antonio Valencia ayaa Man United bilawgii ciyaarta u dhaliyay goolka furitaanka laakiin Lingard oo kulankan si wayn iskugu muujiyay ayaa laba gool raacsaday halka Alexandre Lacazette uu dhaliyay goolka madiga ahaa ee ay Gunners kulankan kula timid.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood taas oo laga fahmo xidigaha bandhiga ugu fiican sameeyay, kuwa ciyaarta ku fashilmay iyo waliba xidigii garoonka ugu fiicnaa.

XIDIGII GAROONKA: Haddii aanu David De Gea noqon lahayn xidigii garoonka ugu fiicnaa isla markaana aanu taariikh ka dhigeen kulankii Emirates Stadium waxay Red Devils soo laaban lahayd iyada oo ceebowday laakiin markii ay ciyaartu soo dhamaaday Jose Mourinho ayaa De Gea u sheegay in uu daawaday goolhayaha aduunka ugu fiican. De Gea ayaa noqday xidigii garoonka wacdaraha ugu wayn ka sameeyay ee Arsenal goolal tiro badan ka beeniyay.

XIDIGIHII KULANKAN KU FASHILMAY:

Waxaa kulankan ku fashilmay isla markaana ay ceeb wayni raacday Mustafi oo markii laba gool kooxdiisa laga dhaliyay oo uu waliba sabab wayn u ahaa goolka labaad dhaawac ku baxay iyo Koscielny oo noqday xidiga qiimaynta ugu liidatay kulankan ka helay. Xhaka iyo Petr Cech ayaa sidoo kale helay qiimayn hoosaysa.

XIDIGIHII KULANKAN ISKU MUUJIYAY:

Marka laga yimaado xidiga garoonka ugu fiicnaa ee De Gea waxaa kulankan si wayn iskugu muujiyay Lingard oo noqon lahaa xidiga garoonka ugu fiican waxaana sidoo ake bandhig fiican sameeyay Matic oo door wayn ku lahaa in Gunners ay ciyaarta goolal kale kula iman wayday.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD

Arsenal (4-3-3): Cech 5.5; Koscielny 4, Mustafi 4.5 (Iwobi 15 6), Monreal 6; Bellerin 6.5, Xhaka 5.5 (Welbeck 70 6), Ramsey 7, Kolasinac 6 (Giroud 76 6); Ozil 6, Lacazette 8, Sanchez 7

Badal Aan La IsticmaalinOspina (GK); Mertesacker, Wilshere, Coquelin

Manchester United (3-4-3): De Gea 9.5; Lindelof 6, Smalling 6.5, Rojo 5; Valencia 7, Pogba 7, Matic 7.5, Young 6 (Rashford 90); Lingard 8.5 (Darmian 76, 6), Lukaku 7, Martial 6.5 (Herrera 67, 6)

Badal Aan La Isticmaalin: Romero (GK); Mata, Blind, McTominay

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda