Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Barcelona Ceebeysatay Real Madrid Ee Santiago Bernabeu – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka?

Published on December 23, 2017 by   ·   No Comments

Sannadka weli ma uusan dhamaanin laakiin tartanka xilli ciyaareedka 2017-18 ee horyaalka La Liga waa uu soo dhamaaday.

Ka dib guushii ay ku gaareen Santiago Bernabeu maanta, Barcelona ayaa haatan 14 dhibcood hogaanka kaga heysa Real Madrid, waxa ay sagaal dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid.

 

Waxaa intaas sii dheer ma jirto tilmaamo muujinaya inay sibxan doonaan halka Real Madrid uu ka muuqdo hoos u dhac weyn ka dib guulahoodii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Goolal ay kala dhaliyeen Luis Suarez, Lionel Messi iyo Aleix Vidal ayaa keentay inay Barcelona 3-0 ku xaaqdo Real Madrid oo marti loo ahaa, iyadoo bartamihii qeybta labaad uu Real Madrid casaan toos ah ka qaatay Dani Carvajal kaasoo gacanta ku celiyay kubada goolka ku sii socotay.

Xiddiga Garoonka – Lionel Messi (Barcelona)

Sawirka Messi ayaa berri qabsan doona bogaga hore ee wargeysyada isboortiga ka dib wacdirihii uu maanta ku soo bandhigay garoonka Bernabeu. Lionel Messi ayaa inta badan abuuray fursadihii ay heshay Barcelona maanta, waxa uu dhaliyay goolka rigoorada ee ciyaarta dilay kana dhigay 2-0, waxaana uu caawiye ka ahaa goolkii seddexaad ee dhamaadkii ciyaarta uu dhaliyay Aleix Vidal.

Paulinho ayaa isna xusid mudan sida uu maanta wacdaraha u dhigay dhowr fursadood oo dahabi ah ayuu helay iyadoo Lionel Messi uu fursadaas soo abuuray. Laakiin Paulinho ayaa muhim ka noqday kooxda Valverde xilli ciyaareedkan.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Real Madrid – Navas 4, Carvajal 4, Ramos 5, Varane 5, Marcelo 6, Kroos 6, Modric 6, Casemiro 4, Kovacic 5, Ronaldo 6, Benzema 5.

Bedel – Bale 6, Asensio 5, Nacho 5.

Barcelona – Ter Stegen 7, Roberto 7, Pique 7, Vermaelen 7, Alba 6, Rakitic 8, Busquets 7, Paulinho 8, Iniesta 7, Messi 8, Suarez 7.

Bedel – Gomes 5, Semedo 5, Vidal 6.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...