Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

RASMI: Paul Pogba Oo Seegaya Kulanka Manchester Derby Xilli Jose Mourinho Uu Ku Eedeeyay Ciyaartoyda Arsenal Casaankii Uu Pogba Qaatay Xalay

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Tababare Jose Mourinho ayaa ku eedeeyay ciyaartoyda Arsenal inay sabab u ahaayeen casaankii uu qaatay xiddigiisa khadka dhexe Paul Pogba, isagoo sheegay in xiddigaha Gunners ay jaceyl u qabeen inay cawska isku tuuraan.

Garsoore Andre Marriner ayaa casaan u taagay Paul Pogba ka dib markii uu xiddiga khadka dhexe ee Manchester United ay cagahiisa qabteen lugta Hector Bellerin, taasoo haatan hubaal ka dhigeysa inuu seegi doono kulanka Manchester Derby ee ay la ciyaarayaan Manchester City.

Laakiin Mourinho oo la arkayay isagoo hadalo kulul kula hadlaya Pogba wax yar ka hor casaankaas ayaa sheegay in ciyaartoyda Gunners ay ka qeyb qaateen in Pogba casaan la siiyo.

“Ma aqaano wax aan ka iraahdo. Adinka ayaa idiin daayay” ayuu qirtay Mourinho. “Adinka ayaa idiin daayay xaaladii uu Lukaku kala kulmay Koscielny.

“Adinka ayaa idiin daayay inaad ka warantaa ciyaartoyda Arsenal ee cawska jiiftay. Cawska waa mid aad u qurxoon, waxaan qabaa inay jirtay jaceyl loo qabay in cawska la dul seexdo.”

24 jirkaan ayaa sidoo kale wajihi kara ganaax dheeri ah ka dib markii uu si kajan ugu sacbiyay go’aanka garsooraha markii uu ka sii baxayay garoonka.

Pogba ayaa ciyaari doona kulanka Champions League ee ay CSKA Moscow ee bartamaha isbuucaan ka hor inta uusan ka fariisanin kulanka Manchester Derby ee ay kooxda City ku soo dhaweynayaan Old Trafford 10ka bisha December.

Waxa uu sidoo kale ka maqnaan doonaa kulanka ay soo dhaweynayaan Bournemouth iyo kulanka ay u safrayaan West Brom.

Manchester United ayaa haatan shan dhibcood ka danbeysa kooxda hogaamineysa horyaalka ee Manchester City kuwaasoo caawa fiidkii la ciyaaraya kooxda West Ham.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...