Real Madrid Oo Xiiseyneysa Xiddiga Liverpool Mohamed Salah Xili Tababare Zidane Taageere Weyn U Yahay Mucjisada Masar

0
46

Real Madrid ayaa xiiseyneysa saxiixa Mohamed Salah oo katirsan kooxda Liverpool, sida laga soo xigtay Tababaraha xulka Masar Hector Cuper.

Salah ayaa saameyn ku yeeshay garoonka Anfield ka dib markii uu 36.9 milyan oo ginni kaga yimid kooxda Roma xagaagan.

Waxa uu dhaliyay 17 gool 21 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, isagoo si adag ula qabsaday nolosha Liverpool.

Tababare Jurgen Klopp ayaa wajihi doona markale dagaal uu kaga hor tagayo kooxaha ka dhisan dalka Spain, kadib markii Barcelona uu kula dagaalamay saxiixa Philippe Coutinho.

Real Madrid ayaa isku dayeysa inay sii kordhiso xiisaha ay u qabto saxiixa Mo Salah oo katirsan kooxda Liverpool bisha Janaayo.

“Waxaan helay war muujinaya xiisaha Real Madrid u qabto Salah, laakiin ma ahan inaan waxyaabahaan ku mashquulino ciyaaryahanka” ayuu Cuper u sheegay ON Sport TV.

“Aniga ahaan waxaan haatan ku jira boos cajiib ah, waxaan ka fikirayaa koobka adduunka ayuu hadalkiisa ku daray.

Ciyaaryahanka reer Masar ayaa ka ciyaari doona Koobka Adduunka ee Russia ka dhacaya sannadka 2018ka, wuxuu awoodi doonaa inuu soo jiito kooxo badan oo ka dhisan qaarada Yurub.

Tababaraha qaranka Masar Cuper ayaa daaha ka qaaday in Zinedine Zidane oo ah hogaamiyaha kooxda Real Madrid uu doonayo saxiixa 25 sanno jirkaan ku riyaaqaya nolosha Anfield.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here