Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

REKOODH: Goolhaye De Gea Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League Kulankii Ay Manchester United 3-1 Kaga Badisay Arsenal

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Manchester United ayaa guul muhim ah oo 3-1 waxa ay Emirates Stadium uga soo gaareen kooxda Arsenal, laakiin shaki kuma jiro inay guushaas abaal weyn uga hayaan goolhaye David de Gea.

Goolhayaha reer Spain ayaa soo bandhigay qaba ciyaareed fantastik ah, isagoo si joogta ah fursado uga beeniyay ciyaartoyda Gunners oo ay ku jirto badbaadintii isku xigtay ee uu ku beeniyay fursadihii Alexandre Lacazette iyo Alexis Sanchez ee qeybtii labaad.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Goolhayihii hore ee Atletico Madrid ayaa soo bandhigay sababta uu uga mid yahay goolhayayaasha ugu fiican caalamka, waxaana uu barbareeyay rikoor cajiib ah oo u yaalay Premier League.

Kulankii xalayto waxa uu badbaadiyay 14 fursadood isagoo barbareeyay rikoorkii uu dhigay Tim Krul kaasoo isna badbaadiyay 14 fursadood kulankii ay Newcastle 1-0 kaga badisay Tottenham bishii November sannadii 2013, waana badbaadintii ugu badneyd ee goolhaye sameeyo hal kulan gudaheed taariikhda horyaalka Premier League.

Ma jiro goolhaye kale oo abid badbaadiyay fursado intaas la eg horyaalka Premier League, mana ahan wax lala yaabo in De Gea tababarihiisa Jose Mourinho uu amaan badan la duldhacay goolhayaha ka dib ciyaarta.

“Waxaan u sheegay ciyaarta ka dib in wixii aan maanta arkay uu ahaa goolhayaha ugu fiican dunida” ayuu yiri Mourinho.

“Kulamada waa weyn waxaad u baahan tahay inaad ku baxsan karto goolhayahaaga marka aad u baahan tahay, laakiin waxaan qabaa in ciyaartoyda oo dhan ay sameeyeen dadaal badan.”

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Sababta Keentay In Xilka Laga Qaado Gudoomiyihii Degmada Mahadaay Ee Sh/dhaxe

February, 22, 2018
Shalay ayay aheyd markii Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle xilkii looga ...

Maalinta Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo la xusaayo

February, 22, 2018
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta waxaa lagu qabanaya munaasabad lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo ...