Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

Saxiixa Cusub Ee Liverpool Virgil van Dijk Oo Caawa Soo Fariisan Doono VIP-da Anfield Si Uu Kulanka Leicester City U Daawado.

Published on December 30, 2017 by   ·   No Comments

Saxiixa cusub ee Liverpool Virgil van Dijk kaas oo arintiisa la dhameystiri doono 1-da January, ayaa caawa daawan doona kulanka ay kooxdiisa cusub la ciyaari doonto Leicester City – kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Daafaca ugu qaalisan aduunka wuxuu caawa kursig ka heli doonaa VIP-da garoonka Anfield, isagoo daawan doona sida ay u ciyaareyso kooxdiisa, waxaana la fili doonaa in kaamirooyinka garoonka ay in badan qaban doonaan, sidoo kalana wuxuu xidiga reer Holland booqan doonaa qolka labiska kooxda sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gobolka Merseyside.

Virgil van Dijk wuxuu la tababaran doonaa kooxdiisa maalinta 1-aad ee January, waana Isniinta – isagoo qeyb ka noqon kara kooxda kulanka Burnley iyo sidoo kale ciyaarta FA Cup-ka ee ay la leeyahiin kooxda Everton.

 

Virgil van Dijk ma u ciyaarin kooxdiisa tan iyo guuldaradii kasoo gaartay Leicester City maalintii 13-aad ee December, markaas oo ay guuldaro 4-1 ah kala kulmeen Leicester City, mar kale ayuuse daawandoonaa iyadoo la ciyaareysa kooxdiisa cusub.

Klopp waxa la filayaa inuu adeegsadao Klavan iyo Matip kulanka caawa, walow aan la ogeyn sida uu kooxdiisa u hawlgalin doono kadib imaatinka Van Dijk.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...