Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

TAARIIKH: Sergio Ramos Oo Noqday Xiddiga Casaanka Ugu Badan Loo Taagay Taariikhda La Liga & Wax Walba Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato

Published on December 3, 2017 by   ·   No Comments

Garoonka San Mames ayaa taariikh u soo joogay xalayto markii Sergio Ramos la siiyay kaarkiisii 19aad ee casaan ah ee horyaalka La Liga kulankii barbaraha goolal la’aanta ku dhamaaday ee ay ku kala baxeen kooxaha Athletic Club iyo Real Madrid.

Waxaana ay taasi ka dhigeysaa in Ramos uu ka sarre maray Pablo Alfaro iyo Xavi Aguado isagoo noqday ciyaaryahanka kaarka cas ee ugu badan qaatay taariikhda horyaalka La Liga.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxa uu rikoorka ku jabiyay labo jaale uu qaatay kulankii xalayto taasoo keentay in kabtanka Real Madrid loo taago casaanka uu saaxiibka u noqday waayihiisa ciyaareed.

Digniinta koowaad waxa uu ku qaatay qalad uu ku galay Raul Garcia daqiiqadii 11aad, halka digniinta labaad ee keentay casaanka ay aheyd qalad uu ku galay weeraryahan Aritz Aduriz daqiiqadii 86aad ee ciyaarta.

Waa markii labaad ee xilli ciyaareedkan casaan la siinayo Sergio Ramos ka dib markii uu kaarka cas qaatay kulankii furitaanka xilli ciyaareedka La Liga ee ay ka badiyeen kooxda Deportivo La Coruna.

Maalintaas waxa uu casaanka qaatay daqiiqadii 89aad ee ciyaarta.

Intii uu Sergio Ramos joogay Real Madrid, daafaca waxa uu qaatay 24 kaar oo casaan ah tartamada oo dhan.

19 ka mid ah waxa uu ku qaatay horyaalka La Liga, Champions League seddex jeer ayuu casaan qaatay, halka labo jeer uu casaan qaatay Copa del Rey.

Tan iyo markii uu ku soo biiray Real Madrid xilli ciyaareedkii 2005-0-6, waxaa soo martay kaliya hal xilli ciyaareed oo uusan casaan qaadanin waana xilli ciyaareedkii 2014-15.

Xilli ciyaareedkiisii uu ugu dishibiliin xumaa waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii ugu horeysay ee Real Madrid uu u dheelo, waxaana la siiyay xilli ciyaareedkaas afar kaar oo casaan ah.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda