Sunday, January 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Thierry Henry Oo Difaacay Zinedine Zidane, Muxuuse Ka Yidhi Suurtagalnimada Ay Real Madrid Kaga Ceydhin Karto Shaqada Uu Ka Hayo Santiago Bernabeu?

Published on December 25, 2017 by   ·   No Comments

 

Weeraryahankii hore kooxda Arsenal iyo xulka qaranka France Thierry Henry ayaa difaacay tababaraha Real Madrid ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Zinedine Zidane kadib markii lagu dhaleeceeyay guul darradii kasoo gaadhay kooxdiisa kulankii El Clasico ee kooxda Barcelona.

Thierry Henry ayaa aaminsan in hadalada ku aadan inay suuragal tahay in Zidane laga ceydhiyo shaqada tababarka ee kooxda Real Madrid inay tahay arin majaajilo ah, maadaama uu guulal muhiim ah uu ku gaadhsiiyay mudada kooban uu maamulayay garoonka Santiago Bernabeu.

Xidigii hore kooxda Gunners ayaa wareysi uu siinayay wargeyska “Daily Mirror” wuxuu kaga hadlay: “Aan dib ugu laabano gadaal marka loo maga caabayay tababarka kooxda Real Madrid, Zidane waxa uu sameeyay wax la mid ah waxa uu sameeyay Benitez, wuxuuna khadkiisa dhexe u adeegsaday Casemiro, jamaahiirtana si xoogan ayeey u soo dhaweeyeen”.

Thierry Henry ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Bilowgii Los Blancos ma aysan soo bandhigin qaab ciyaareed ay ku qanci karaan jamaahiirta, laakiin ugu dambeyntii waxay guul ka gaadheen kulamadii ay ciyaareen, sidaas darteed Zidane wuxuu noqday macalin si weyn ugu xeel dheer aragtida dadka, sidaas darteed wuxuu go’aansaday inuu ku tiirsanaado afar ciyaaryahan ee  khadka dhexe ah”.

“Kadib markale ayuu ku guuleystay tartanka Champions League-ga, dhamaan koobabkii uu ku hogaamiyayna Real Madrid waa kuwo dhaxal gal ah, xitaa Real Madrid ma aysan xumeen qaab ciyaareedkii ay kusoo bandhigtay 45-tii daqiiqo ugu horeysay kulankii El Clasico”

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{AKHRISO} Amaro La Dul-dhigay Shaqaallaha Ajaanibta ah Ee Ka shaqeeya M/Muqdisho

January, 21, 2018
Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa Amar kusoo rogtay shaqaalaha ajaanibta ee ka howlgala Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla ...

Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota

January, 21, 2018
Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota