Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

WAR DEG DEG Ah:- Madaxweynaha Mareekanka Oo Quddus U Aqoonsaday Caasimadda Israa’iil

Published on December 7, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweyne Trump ayaa isagoo ka hadlayey aqalka cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go’aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka sidii ay uga go’nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.

Mr Trump wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu taageero xalka labo dal oo lagu dhameeyo khilaafka muddada dheer ka dhex jiray Israa’iil iyo Falastiin.

In yar ka hor intii uusan go’aankaas ku dhawaaqin ayuu madaxweyne Trump sheegay in tallaabadan ay ahayd inay goor hore dhacdo.

Qaybta qadiimiga ah ee Qasa ayaa gidaar ku yaalla waxaa lagu shiday calanka Israa’iil ka hor intii uusan Donald Trump ku dhawaaqin go’aankiisa.

Sida uu sheegay TVga ABC, waxa aad loo adkeeyey amniga qaar ka mid ah safaaradaha uu Maraykanku uu ku leeyahay bariga dhexe.

Talaadadii ayaa diblomaasiyiinta Maraykanka iyo ee Israa’iil iyo qoysaskooda waxaa lagula taliyey in aysan u socdaalin qaybta qadiimiga ah ee Quddus iyo daanta galbeed “ilaa iyo amar dambe”.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda