Thursday, December 14th, 2017
Advertisements
Advertisements

Wasiirka Amniga oo ka qeybgalay Shirka Booliiska Aduunka

Published on December 7, 2017 by   ·   No Comments

Wasiirka Wasaarada Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa ka  qayb-galaya shirka shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL ) oo looga hadlayay la dagaalanka ka ganacsiga dadka iyo tahriibka.

Shirka ayaa  ka dhacay magaalada Doxa ee caasimada dalka Qatar 6-dii iyo 7-dii bisha December, waxaana ka soo qayb galay wufuud ka socotay dhamaan dalalka caalamka.

Dhinaca kale wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar oo uu ka mid yahay wasiirka maamulka Horumarinta shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee dalka Qatar,  waxayna labada dhinac ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa xiriirka INTERPOLKA iyo sida shaqooyin iyo tababar loogu samayn karo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa qayb ka ah dadka dhibaatooyinka kala kulma Tahriibka, Waxaana shirkan kusoo beegmayaa Xili dhowaan ay siwayn usoo shaac baxday dhibaatooyinka baaxada ee dadka mujaajiriinta ah loogu gaysanayo dalka Liibiya.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Muhtaar Roobow Abuu Mansuur oo gaaray magaalada Kismaayo

December, 13, 2017
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay ...

Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda

December, 13, 2017
Deg Deg Dagmada Qoryooley Oo Laga Hirgaliyay Nalalka Ku Shaqeeya Cadceeda