Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Wiilka Cali Cabdalla Saalax oo ku baaqay aargoosi iyo dagaal cusub

Published on December 5, 2017 by   ·   No Comments

Axmed Cali Cabdalla oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dhiigga aabihii Cali Cabdalla Saalax uusan ahayn mid sidaas ku dhamaaday islamarkaana dagaalka Yemen uu hadda billow yahay.

Axmed oo 2012kii Xabsi Guri ku ahaa Dalka Imaaraadka ayaa wareysi siiyay TV laga leeyahay Sucuudiga waxaana uu sheegay in kuleylka dhiigga aabihii lagu shubi doono dhegaha Iraan isda uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta iyo Iraan waa billow,qofkasta oo Yemeni ah waxaan ugu baaqayaa in uu dalka Yemen dib ugu laabto,hubkana qaato,waxaan dagaalka wadi doonnaa ilaa midka ugu dambeeya ee Xuutiga ah uu ka baxo Yemen”,ayuu yiri Axmed intii uu wareysiga bixinayay.

Axmed waxaa uu horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Jamhuuriyadda Yemen,sidoo kale danjiraha Yemen ee Imaaraadka,waxaase xabsi guri laga dhigay markii Aabbihii iyo xulfada Sucuudiga ee IMaaraadka ka mid yahay isku dhaceen sanadkii 2012kii Calina xilka laga tuuray

Shalay markii uu soo baxay dilka Cali waxaa laga dabaal degay magaalada Koofurta ku taalla ee Cadan,iyada oo Reer Koofurku ay Cali Cabdalla Saalax ku necbaayeen mideyntii labada Yemen ee Koofurta iyo Waqooyiga sagaashamaadkii,waxaana uu xoog iskugu hayay labada dhinac.

Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta C/Maalik al Xuuti oo ka hadlay geerida Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in guul ay u soo hoyatay Jamhuuriyadda Yemen,waxaana uu ballan qaaday in kooxdiisa ay ku adkeysan doonto midnimada dalka Yemen.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Sababta Keentay In Xilka Laga Qaado Gudoomiyihii Degmada Mahadaay Ee Sh/dhaxe

February, 22, 2018
Shalay ayay aheyd markii Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle xilkii looga ...

Maalinta Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo la xusaayo

February, 22, 2018
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa maanta waxaa lagu qabanaya munaasabad lagu xusaayo 48-sano guuradii ka soo ...