Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

4-sano Guuradii kasoo wareegtay Doorashadii Madaxweyne Gaas oo Magaalada Boosaaso lagu qabanayo.

Published on January 12, 2018 by   ·   No Comments

Sida Warbaahinta  ay u xaqiijiyeen Ilo Wareedyo ku sugan Magaalada Boosaaso waxaa Caawa Magaaaladaasi lagu wadaa in ay ka dhacdo Munaasabadda 4-sano guuradii kasoo wareegtay Markii Madaxweyne Gaas loo doortay Madaxweynaha Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galaya Xubno isugu jiro Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, waxaana Dhanka Dowladda Hogaaminaya Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan Magaaladaasi.

Waqtigii la doortay Madaxweyne C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku beegneed 8-dii bishaan, waxaana dib udhac ku yimid Xafladaasi oo lagu waday in ay ka dhacdo Magaalada Garoowe, iyadoona Sabab looga dhigay Weerarkii Ciidamada Maamulka Soomaaliland ay kula wareegeen Deegaanka Tukaraq.

Maamulka Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah maanta geeyey Magaalada Boosaaso, waxayna wararku sheegayaan in looga gol-leeyahay sidii ay Amniga u sugi lahayeen inta ay socoto Munaasabadda Caawa la filayo.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta la kulmay Xubno isugu jiray Siyaasiyiin, Aqoon yahano iyo Odoyaasha Dhaqanka ee Magaalada Boosaaso.

Waxyaabaha uu kala hadlay ayaa ubadnaa sidii loo xoojin lahaa Taageerada Dowladda Federaalka, dhinacyadii uu la kulmay ayaa dhankooda iyane dalbaday in Dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo aysan noqon Mid hilmaamtay dhaqan gelinta waxyaabaha ay ka wada hadleen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo Axaddii Todobaadkaan Safar ku jooga Deegaanada Puntland, waxaana lagu wadaa in Berri uu kusoo gaba-gabeeyo Safarada Puntland Magaalada Gaalkacyo, si uu usii galo Maalmo kale uu ku bixinayo Deegaanada Galmudug.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...