Sunday, January 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

{Akhriso} Madaxweynaha G/galbeed Soomaaliya Oo Magacaabay xilal cusub

Published on January 14, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda Sare ee maamulkaasi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Koonfur Galbeed.

Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer ilaaliyaha oo markii ugu horeysay uu yeesho Dowlad Goboleedka K/Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa Guddoomiyaha Maxakamadda Sare u magacaabay Axmed Cali Muuse, kaasi oo bedelaya guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare oo horey xilka qaadis loogu sameeyey.

Sidoo kale Digreetada xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ka soo baxday waxaa lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulkaasi Koonfur Galbeed, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Macalin Cabdiyow.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintani in ay xilkoodi u gutaan si hufan, islamarkaana ay qabtaan adeegyada ay uga baahan yihiin bulshada ku dhaqan degaanada Koonfur Galbeed.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota

January, 21, 2018
Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota

Maxaa sababay Xilka Qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir?

January, 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow), kaas ...