Al-shabab oo sheegtay in ay dagaal kula wareegeen degaanka Diif ee J.Hoose

0
46

Xarakada Al-shabab ayaa sheegatay in ay gacanta ku dhigtay degaanka Diif ee Gobolka Jubada hoose kaddib dagaal ay saaka la galeen Ciidamada Maamulka Jubaland ee degaankaas maamulayay.

Al-shabaab waxa ay sheegatay dagaal saacado badan qaatay kaddib ay u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan degaanka Diif oo saaran sohdinka Soomaaliya iyo kenya.

Ciidamada Jubaland ayey Al-shabaab sheegeen in ay isaga baxeen degaankaas kaddib amrkii dagaalka ay uga adkaadeen,waxaana ay xuseen in degaankaas uu hadda gacanta ugu jiro AL-shabaab.

Maamulka Jubaland kama hadlin weerarka AL-shabaab ay sheegeen in ay ku qabsadeen degaanka Diif ee Gobolka Jubada hoose oo markii hore ay iyaga maamulayeen.

Sidoo kale majirto ilo ka madaxbanaan AL-shabaab iyo jubaland oo xaqiijinaya in Ciidamada Al-shabaab la wareegeen degaanka Diif ee Jubada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here