Aragtida madaxweynaha Zimbabwe oo lacag noqotay!

0
13

Ma doonaysaa in aad la kullantid madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa?, haddii ay jawaabtaadu ‘haa’ tahay, waa in aad iska diyaarsataa qarash dhan $16 doolar.

Arrintan waxa ay qabsatay qurbajoogta reer Zimbabwe ee ku nool magaalada Windhoek ee dalka Namibia, xilli uu madaxweynaha halkaasi booqasho ku tagay shalay.

Sida uu qorey wargeyska The Villager ee dalkaas kasoo baxa ayaa tabiyay in safaaradda Zimbabwe ee Namibia ay kireysay hoteelka Safari ee Windhoek, halkaas oo ay ka qabatay 300 kursi, qofkiina waxa uu ku galayaa lacag dhan $16 doolar, iyada oo dadkii aanan lacagta heysanin laga celinayay goobta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here