Arsene Wenger Oo Go’aan Lagu Qoslo Ku Tilmaamay Rigooradii Loo Dhigay Eden Hazard Xilli Uu Wajahayo Dacwad Ay Ku Soo Oogeen FA-ga

0
8

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu dagaal ka geli doono dacwadii ay dhawaan ku soo oogeen xiriirka kubada cagta Ingariiska isagoo xalayto mar kale weerar ku qaaday garsooraha ciyaarta ka dib barbarihii ay la galeen kooxda Chelsea.

Wenger ayaa dacwad lagu soo oogay ka dib markii uu ku eedeeyay garsoore Mike Dean go’aankii uu rigoorada xilliga danbe ugu dhigay kooxda West Brom kulankii barbaraha 1-1 ku dhamaaday ee Axadii.

 

Macalinka reer France mar kale ka careysnaa waxa uu ugu yeeray go’aan lagu qoslo rigooradii loo dhigay Chelsea kulankii barbaraha 2-2 ku dhamaaday ee xalay ka dhacay Emirates.

Isagoo u hadlayay saxaafaa, Wenger ayaa sheegay inuu boqolkiiba 100 ka dagaalami doono dacwada loo heysto.

 

“Waxaad dhageysan kartaa wareysi walba aan bixiyay. Waan ku sii taagnaanayaa wax walba aan iri dhibaato la’aan” ayuu yiri.

Wenger ayaa heysta ilaa iyo Jimcaha inuu kaga jawaabo dacwadii ay dhawaan ku soo oogeen FA-ga iyadoo loo heysto inuu ku qeyliyay garsoore Mike Dean kulankii West Brom islamarkaana uu su’aal ka keenay dhexdhexaadnimadiisa.

Wenger ayaana caradiisa waxa uu kala duldhacay garsoore kale, markaana garsoore Anthony Taylor ka dib markii rigoore uu u dhigay Eden Hazard kaasoo ciyaarta barbaro ka dhigay markii ay saacad sii dhaaftay isagoo qalad kala kulmay Hector Bellerin.

“Qoomamada aan qabno waxa ay tahay inaan aheyn kuwii goolka ugu horeeyay dhaliyay ka dibna go’aan lagu qoslo ayaa nagu dhacay” ayuu Wenger sheegay isagoo u hadlayay Sky Sports.

“Eeg tan iy bilowgii xilli ciyaareedka waa waxa ay tahay inaan qaadano. Waxa uu ahaa go’aan lagu qoslo – haddii ay taasi rigoore tahay 10 rigoore ayaa la dhigi karaa kulan walba. Waxaad akhrisaa waxa ay qoraan jaraa’idyada shisheeye iyo waxa ay qoraan jaraa’idyada Ingariiska, waad arki doontaa kala duwanaanshaha.

“Kulamada waxaa ku ciyaara waxyaabo aan la koontarooli karin, waxaan u ciyaari karnaa qaabkeena anagoo rajeyneyna in nasiibka uu dhankeena u soo weecdo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here