Sunday, January 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Ciidamo Kenya iyo Ciidamo Soomaaliya oo ku dagaalamay degmada Ceelwaaq

Published on January 12, 2018 by   ·   No Comments

Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray Ciidamo Kenyan ah iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay kala shakiyeen.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, markii ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano la dagaalanka Argagixisada oo wajiyada u duubnaa ay saaka ka soo gudbeen xuduuda, iyagoo gudaha u soo galay Ceelwaaq.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan wajiga u duubnaa ay ku hubeysnaayeen saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in gaarigooda uu ka babanayay calanka Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda ayaa muujiay shaki ku aadan in Ciidankan ay yihiin Al-Shabaab, waxayna u yeerteen askarta kale oo xiligaas guryohooda ku maqnaa iyagoo soo buux dhaafiyay halka laga baxo Magaalada, si ay isaga caabiyaan Ciidankan hadey yihiin Shabaab.

Ciidamada Kenya oo iyaga dhankooda qabay cabsi ku aadan iney dhexda ugalaan Shabaab ayaa markii ay arkeen Ciidanka Dowladda oo wada u fadhiya rasaas ooda uga, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka uu ku dhintay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Yuusuf (Ilka Case).

Lama oga khasaaraha soo gaaray ciidamada Kenyanka, waxaana xaalada degmada Ceelwaaq ay ku soo laabatay mid caadi ah, inkastoo dadka deegaanka ay hadal hayaan kala shakiga ciidamada oo midba midka kale uu u maleynayay Al-Shbaaab

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{AKHRISO} Amaro La Dul-dhigay Shaqaallaha Ajaanibta ah Ee Ka shaqeeya M/Muqdisho

January, 21, 2018
Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa Amar kusoo rogtay shaqaalaha ajaanibta ee ka howlgala Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla ...

Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota

January, 21, 2018
Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota