Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

Published on January 18, 2018 by   ·   No Comments

Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ku gaareen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Munaasabadan oo bilaabatay barkhanimadii maanta ayaa soo gaartay ilaa duhurkii, iyada oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo ahaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyada oo uu shirkan ka maqan yahay Axmed Madoobe oo cudur daartay.

Sidoo kale Munaasabadan waxaa ka qeyb galay xubnaha Beesha Caalamka oo ay ugu horeeyaan Micheal Keating, Guddoomiyaha Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD iyo xubno kale, kuwaasi oo maanta gaaray Dhuusa-mareeb.

Calanka Maamulka Galmudug ayaa laga taagay gudaha Madaxtooyada cusub ee Magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana guud ahaan Madaxtooyada maamulkeeda lagu wareejiyay Madaxweyne (Xaaf).

Halkan Hoose Ka Daawo:

Masuuliyiinta khudbadaha jeedisay oo koobnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horey u ahaa Madaxweynihii Ahlusuna, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Samatar iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in QM ay soo dhaweyneyso heshiiska, wuxuuna balan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la iska cafiyo wixii horey u dhacay, la iskuna calool fiyoowaado, si horey loogu sii socdo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Soomaaliya Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu riyoonayay in ay dhacdo, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada dhexe.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo soo xiray Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhinacyadii howshaan ka soo shaqeeyay, wuxuuna tilmaamay in howsha hada ay tahay bilow.

Hadii aan dib u laabano weli waxaa jirta tabasho ay qabaan waxgaradka reer Cadaado, oo aan laga gaarin xal muuqda, iyada oo ay xusid mudan tahay in maanta magaaladaasi uu ka dhacay Banaanbax, balse waxaa socda dadaalo lagu qancinayo Odayaasha.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...