Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweyey Magaalada Boosaaso

Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga madaxweynaha safarka ku wehlinaya waxaa ka mid ah madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha kala Duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dad aad u fara badan oo gacmaha ku sida calanka Soomaaliya,islamarkaana taagan hareeraha waddooyinka magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka Boosaaso.

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lugta soo mariyay deegaanka Carmo ee Gobolka Bari,halkaasi oo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana magaalada lagu dhex arkayaa Ciidamada amaanka oo feejigan.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Balcad : Maamulka Degmada oo Xabsiga dhigay Wariye C/laahi Maxamed Xasan Alcadaala

April, 23, 2018
Maamulka Magaalada Balcad ee Gobalka Shabellaha dhexe ayaa galinkii dambe ee Maanta xabsiga u taxaabay Wariye C/laahi Alcadaala ...

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...