Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

DAAWO MUUQAALKA: Madaafiic Ku Dhacay Madaxtoyada Soomaaliya Iyo Khasaare Ka Dhashay

Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments

Madaafiic ku soo dhacday meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasha iyo dhaawac.

Madaafiicda oo gaareysa ugu yaraan 3 Hoobiye ayaa ku soo dhacday meel u dhaw Guriga ay ku shaqayn jirtay Xukumada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo kuwii ka horeeyay oo ku yaala Albaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaafiicda ayaa ku dhacday Ex fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacntay waxana ku dhintay hooyo nuujineysay caruur yer iyo dad kale oo Guryahooda madaafiicda qaar ay ku dhacday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay jirto madaafiic kale oo ku dhacday agagaarka Godka jilacow ee degmada Boondheere, iyo sidoo kale Guriga Guddoomiyihii horeee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ee ku yaala Madaxtooyada Gudaheeda kuna dhaw Guriga Golihii hore ee Wasiirada Soomaaliya.

Lama oga halka sida rasmiga ah looga soo riday hoobiyaasha, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Muqdisho gudaheeda laga soo riday.

Halkan hoose Ka Daawo:

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Madaafiic lagu garaacay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana inta badan madaaficdaasi laga soo ridayay Gudaha magaalada Muqdisho.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...