Sunday, January 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Laamaha Amaanka Muqdisho Oo Gacanta Ku Dhigay Nin shacabka Dhibaateyn Jiray.

Published on January 13, 2018 by   ·   No Comments

Ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan, ayaa xalay waxa ay gacanta ku dhigeen nin tuug ah oo hub farsameysan dadka ku dhici jiray, kadib hawlgal ay ka sameeyeen Degmadaasi.

Ciidanka ayaa soo qabtay ninkaan dhalinyarada ah oo watay qori laga sameeyay alwaax la isku kabay oo loo ekeysiiyay Qori Ak47, sida lagu soo bandhigay Sawir laga soo qaaday agabkii uu isticmaalayay ruuxaasi.Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali ayaa sheegay ninkan tuuga ah inuu dhibaato wayn ku haayay shacabka Degmada Kaaraan oo moobeelada uu ka dhici jiray.

Wuxuu sheegay dhawr mar dadka shacabka ah ay soo gaarsiiyeen cabasho ku aadan tuugaan dadka dhaco, balse ciidamada muddo ay raadinayeen ninkaasi.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan in ninkaan loo gudbin doono si tallaabo sharci ah looga qaado.

Ugu dambeyn ciidamada ammaanka Degmada Kaaraan ayaa u suuragashay inay soo qabtaan ninkaan tuuga ah ee dadka Degmadaasi dhibaatada ku haayay.

Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada habeenkii ah waxaa jirta Burcad hubaysan oo dhac u gaysata dadka ku nool xaafada, kuwaasi oo ka dhaca moobeelada.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota

January, 21, 2018
Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota

Maxaa sababay Xilka Qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir?

January, 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow), kaas ...