Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Lamaane Facebook iska Helay oo lix maalood ka dibna is guursay

Published on January 12, 2018 by   ·   No Comments

Qof kaste oo Facebook isticmaala wuxuu arkaa waxyaabo uu la yaabo.

Waxaa ka mid noqon kara dad aadan aqoonin oo kugu soo darsada, qol ay koox furatay oo xubin lagaa dhigo adigoon dalbanin iyo qoraallo iyo sawirro lagula wadaago adigoo aan rabin.

Laakiin nin Nigeria u dhashay ayaa heer cusub gaarsiiyay layaabkii markii uu soo bandhigay xayaysiin aan caadi ahayn.

Chidimma Amedu ayaa qoraal soo dhigay Facebook 30 Disembar, isaga oo dumarka waydiistay in ay la soo xiriiraan haddii ay guur diyaar u yihiin, sida uu BBC-da u sheegay.

Ma yari oo wakhti badan baan soo noolaa, arrintaasna ma qarinayo, diyaar baana u ahay in aan qirto. Wakhti dambana iskama luminayo.”

“Isoo dira codsiyadiina – gabadha ugu dhibco badata ayaana guursan doonaa lixda bisha Janaayo ee 2018ka. Soo gudbinta codsiga wuxuu ku egyahay saqda dhexe ee 31/12/2017,” sidaa ayuu Facebook ku qoray.

Markale ayuu qoraal kale ku xoojiyay isaga oo yiiri

“Arrintan waa iga dhab, haddaba ha oranin qoraalkaaga ma arkin. Nasiib wanaagsan.

Labo maalmood ka dib markii ay sheekadii u horraysay dhex martay, wuxuu galay safar 500km ah, wuxuu ka baxay Abuja oo deggan yahay, si uu u tago Enugu oo ay gabadhu ku nooshahay.

Waxay ku sugaysay bannaanka dukaan tafaariiqda lagu gado waxayna kulankoodii koobaad ku tilmaantay “jacaylkii aragtida ka billawday”.

“Waa ninkii dunida ugu quruxd badnaa ee aan waligay la kulmo. Markaan arkayba waan ka helay”. ayay tiri

Ka dib labo saac oo ay wadahadal “adag” yeesheen wuxuu ka dalbaday in ay la booqato adeerkii oo ay gabadha isku magaalo ku nool yihiin.

Markaas waxaa la waydiiyay waxa madaxeeda ka guuxaya, waxayna tiri kaftan kaftan ayay ila yara tahay, laakiin way ku faraxsanayd in Chidimma uu hawsha si wanaagsan u waday

XIGASHO BBC

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...