{DAAWO SAWIRADA} Saraakiisha Danab oo sheegay in ay burburiyeen saldhigii ugu weynaa Ee Al Shabaab Ay Ku lahaayeen Gobolka Sh/Hoose

0
43

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab in ay bur buriyeen xaruntii ugu weyneyd ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha hoose.

 

 

Degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose oo Al-shabaab ay ku lahaayeen baro kontorool ayaa la bur buriyay kadib howlgal halkaasi ay ka fuliyeen ciidamada Danab.

 

Taliyaha Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab G/sare Axmed Cabdullaahi Sheekh oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in howlgal gaar ah ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka Leego ay ku bur buriyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi

G/sare Axmed Cabdullaahi Sheekh waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Kumaandooska ay howlgalka ku dileen xubno ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo tiradooda uu ku sheegay 10 Dagaalame.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha saldhigyada ay ciidamada bur buriyeen in Al-shabaab ay ku qaadi jireen lacago loo yaqaano Zakawaadka.

 

Taliyaha ciidanka Danab waxa uu ugu dambeyn sheegay in ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay xoojiyeen howlgalada lagula dagaalamayo ururka Al-shabaab, si guud ahaan dalka looga saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here