Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Wafdi Isugu Jira Xildhibaano Iyo Wasiiro Oo Gaaray Magaalada Dhuusa Mareeb

Published on January 14, 2018 by   ·   No Comments

Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa gaaray wafdi ka socda Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale kuwaas oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya,waxana qeyb ka ah Senator Jawaahir Axmed Cilmi, Xildhibaan Axmed Macalin fiqi, Xildhibaan Cabdi Casiis iyo Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin.

Sidoo kale wefdiga ayaa waxa ka mid ah dadka soo jeeda deegaanada Galmudug isla markaana caanka ah sida Generaal Xaashi Cali Baraale, General Galaal iyo General Suubxaanyo iyo Maxamuud Afgooye.

Waxaa wefdiga haatan la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada dhuusa Mareeb oo ay ku Shaqeeyaan Masuuliyiinta Maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca.

Dhuusa Mareeb ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in Maalinta Berito ah uu gaaro Magaalada Dhuusa Mareeb si uu uga qeybgalo Munaasabad lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Wefdiga.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...