Sunday, January 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Dowlada Kenya Oo War Kasoo Saartay Weerar Ka dhacay Lamu

Published on January 14, 2018 by   ·   No Comments

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Haweeney la socotay Kolonyo ka mid ah Ciidamada Kenya oo marayay Gobolka Lamu ay dhimatay kaddib markii ay weerar ku qaadeen Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya ee Larry Kieng,ayaa sheegay in Haweeneyda ay Gawaarida Booliska markii hore ku raacday qaab bilaash ah oo ay waddada ka sii qaadeen markii ay weerarka la kulmeenna iyada ku dhimatay.

Waxaa uu Mr Larry Kieng xusay in labo Gaari oo Booliska leeyihiin la gubay,halka 15 Askar ah oo la socotay  13 ka mid ah dhaawac iyo iyaga oo bad qababa la hayo.

Waxaa uu sheegay in aysan garaneyn halka ay qabteen labo ka mid ah Saraakiisha Booliska ee Kolonyada la socday waxaana uu ka gaabsaday in ay ku maqanyihiin gacanta Al-shabab iyo in kale.

Al-shabaab ayaa dhinaceeda sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo ka dhacay agagaarka Wabiga Tana Riva,waxaana ay ku sheegeen in Kenya ay kaga gubeen gaadiid dagaal.

Al-shabab waxaa ay weerarro joogto ah ka fuliyaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida waxaana dowladda Kenya ay sheegeysaa in Al-shabaab ay kaga adkaaneyso gudaha SOomaaliya.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota

January, 21, 2018
Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota

Maxaa sababay Xilka Qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir?

January, 21, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow), kaas ...