Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

Dowlada Pakistan oo xiriirkii Milatari iyo Sirdoon u jartay Mareykanka

Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments

Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday in xiriirkii Milatariga iyo iskaashiga sirdoonka ay u jartay Dowladda Mareykanka kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in kaalmada milatari uu ka jarayo dalka Pakistan.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Pakistan Khurram Dastgir Khan,ayaa shaaciyay in dowladdiisa ay xiriirka Milatari iyo midka iskaashigii sirdoonka u jartay Dowladda Mareykanka kaddib Mareykanka qaatay go’aan uu ku sheegay hubsiimo la’aan.

 

Safaaradda Mareykanka ee Islamabad ayaa beenisay in ay heshay go’aanka Dowladda Pakistan ee xiriirka Milatariga iyo sirdoonka la xiriira ee uu Wasiirku sheegay in Pakistaan joojisay.

Mareykanka waxaa uu sheegay in lacag dhan $255 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ay gargaar ciidan ahaan u siin jirtay Pakistan hayeeshee la joojiyay kaddib markii madaxweyne Trump ku eedeeyay Pakistan in aysan la dagaallameyn Daalibaanka Afghanistan,kaas oo askar Mareykan ah ku dilay gudaha Pakistan.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka aya horay u sheegtay in kaalmada Milatari ay ka joojiyeen Pakistan,dibna ay u billaaban karto marka Pakistan tallaabo milatari ka qaaddo Daalibaan iyo kooxda Xaqaani.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...