Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

Dowladda oo sheegtay in weerarrada Muqdisho dhexdeeda laga abaabulo

Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegay in weerarrada ka dhaca magaalada laga abaabulo isla magaalada gudaheeda.

Waxaa uu Afhayeenku sheegay in Ciidamada amaanka ay ku dadaalayaan sidii wax looga qaban lahaa arrintaas,waxaana uu dadweynaha Muqdisho ka codsaday in ay dowladda kala shaqeeyaan sugidda amniga Magaalada Muqdisho.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in ay jirto wadashaqeyn la’aan u dhaxeysa Ciidamada iyo shacanka taasna ay sabab u tahay amni darrada waxaana uu ku baaqay in shacabka iyo Ciidamada amaanka ay wada shaqeeyaan.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Ciidamada amaanka ay kordhin doonaan Koontaroollada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Waddada Maka AL-Mukarrama oo uu sheegay in Ciidamo dheeraad ah la dhigi doono.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...