Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

Dowladda Soomaaliya oo hergalisay xarunta ka hortaga Xag-jirnimada

Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho hergalisay xarun dhalinyarada looga wacyi-galinayo ku biirista kooxaha Xag-jirka sida Al-shabaab iyo Daacish, iyadoo la adeegsanayo Internet-ka

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo xarunta Daahfurtay ayaa sheegtay in ay soo gudbin doonto fariimo ay dhalin yarada kaga wacyigelineyso ku biirista ururka al-Sshabab, isla markaana ay ku hoga tusaaleyneyso faa’idooyinka dowladnimada, nabadda iyo horumarka.

Olalahan Wacyigalinta ah ayaa ka bilaaban doona baraha Internetka sida Facebooka, You Tube, Twitter –ka iyo warbaahinta qeybaha kale  iyadoo la dhiirigalinayo xasiloonida iyo nabad-galyada guud ahaan wadanka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa sheegay in xaruntan si gaar ah u bartilmaameedsan doono Al-shabaab oo lagu soo bandhigayo dhibta iyo carqalada ay ku hayaan nabada iyo xasiloonida dalka.

“Tani waxay fursad u noqon doontaa in ay gacan ka geysato guud ahaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf al-Adala, agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya “Waxaan siin doonaa macluumaad sax ah oo faa’iido leh dadka dhalinyarada ah, taas oo ka dhigeysa inay fahmaan faa’iidooyinka hay’adaha dimuqraadiga ah ee Soomaaliya.”

Waa xaruntii ugu horeysay ee nooceeda ah ee laga hergaliyo dalka Soomaaliya, waxaana ay dowladdu sheegtay in dagaalka Al-shabaab uu ku fileyn uu ku fileyn oo dagaal iyo xaalad militari.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...