Monday, April 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Arsenal v Arsenal- Ganaaxa Arsene Wenger Oo Bilaabanaya

Published on January 7, 2018 by   ·   No Comments

Arsene Wenger ayaa waxaa u bilaaban doona ganaax saddex kulan ah marka kooxdiisa kulanka wareega 3aad ee FA Cup wajaheyso caawa kooxda Nottingham Forest.

Macalinka reer France ayaa awood u leh inuu ka daawado kulankaan tarabuunka kadib markii ganaax saddex kulan ah xiriirka FA-gu saareen.

Wenger ayaa ganaax seddex kulan ah iyo 40 kun oo ginni kala kulmay xiriirka kubadda cagta Ingariiska ee FA-ga kadib markii uu six un ula dhaqmay garsooraha kulankii West Brom.

Dhanka kale, Wenger ayaa ka maqnaan doona kulanka Arbacada ee semi-finalka Carapa Cup kooxdiisa wajaheyso Chelsea iyo kulanka kale ee Axada Premier League ay ku wajahayaan kooxda Bournemouth.

OGEYSIISKA CIYARATA

GAROONKA: The City Ground  

SAACADA: 7:00 PM

MAXAA CUSUB?

Iyadoo Wenger uusan shaacin doonin waqti hore shaxdiisa, haddana waxaa hubaal ah inuu maqnaan doono kulankaan Granit Xhaka oo qaba dhaawac gumaarka ah.

Sead Kolasinac Aaron Ramsey, Olivier Giroud iyo Nacho Monreal ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan.

Kooxda martida loo yahay waxaa ka maqan xiddiga muhiimka ah ee Daryl Murphy.

Weeraryahanka todoba gool ka dhaliyay kooxda Liverpool ayaa dhaawac ku seegay kulankii barbaraha goolal la’aanta kusoo dhamaaday ee kooxdiisa wajahday Leeds.

XAAQIIQADA KULANKA

Nottingham Forest ayaa badisay hal jeer 14-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaareen Gunners dhamaan tartamada oo dhan.

Arsenal ayaa labo jeer kaga badisay Nottingham Forest tartanka  FA Cup, 1978/79 iyo 1992/93dii.

Forest ayaa shabaqa ilaashatay sideed kamid ah 12kii kulan ee ugu dambeeyay FA Cup-ka.

Arsene Wenger waligiis lagama reebin wareega seddexaad ee FA Cup tan iyo markii uu noqday tababaraha Arsenal 1995/96.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

April, 23, 2018
Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askartii ka ...

{DAAWO SAWIRADA} Koox maafiyo ah oo Soomaaliya hub qarsoodi ah geysay oo lagu xukumay Mareykanka

April, 23, 2018
Nonamkan oo lagu kala magacaabo Joseph Hunter, Adam Samia, Carl Stillwell iyo kaabohooda Paul Le Roux ayaa waxaa lasoo ...