Ganacsade lagu dilay Degmada Afgooye.Iyo Faah faahin Ka sobaxeyso Qaabka uu dilka u dhacay

0
3

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay goordhow halkaasi ku dileen Nin kamid ahaa raga sida weyn looga yaqaano Degmada.

 

Dilka oo ay geysteen rag bistoolado ku hubeysan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Ceelqode ee Degmada Afgooye, Waxeyna dhowr xabadood qeybta sare ee jirka kala dheceen Abuukar Qaasim oo xiligaasi ku sugnaa Dukaan uu ku ganacsan jiray xiliyada uu ka Yimaado Iskuul uu Barre ka ahaa.

 

Goob joogayaal ayaa sheegay in raga dilka geystay ay durbaba isaga baxsadeen halka ay ku dileen Marxuumka, waxaana daqiqiado kadib soo gaaray askar katirsan Ciidanka Dowladda oo haatan wada baaris ku aadan soo qabashada raga dilka geystay.

Ehelada Marxuumka ayaa meydkiisa ka qaaday Goobta ganacsi, Waxeyna geeyeen guriga uu ka daganyahay Afgooye, iyadoo dadka reer Afgooye aad uhadal hayaan dilka loo geystay Macalin Abuukar Qaasim.

 

Degmada Afgooye ayaa mudooyinkan waxaa joogto ka noqotay dilalka ay geysanayaan raga Bistooladaha ku hubeysan ee dilalka qorsheysan inta fuliya hadana goobta isaga carara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here