Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

HORDHAC: Barcelona v Levante- Ousmane Dembele Oo DIb Ugu Soo Laaban Doona Shaxda Barcelona

Published on January 7, 2018 by   ·   No Comments

Kadib guushii El Clasico, Barcelona ayaa dib u bilaabeysa ololaheeda horyaalka La Liga Spain.

Ousmane Dembélé iyo Philippe Coutinho ayaa qorshaha weerar Barcelona kula biiraya Luis Suárez iyo Lionel Messi qeybta labaad ee xili ciyaareedka.

Barcelona ayaa kulanka ugu horeeya ee La Liga sannadka 2018, waxay ksoo dhaweynayaan kooxda Levante garoonka Camp Nou.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Camp Nou

SAACADA: 6:15 PM

MAXAA CUSUB?

Sergio Busquets ayaa segi doona kulankaan kadib markii  uu qaatay jaalihiisii shanaad kulankii El Clasico.

Samuel Samuel Umtiti ayaa weli maqan, iyadoo Thomas Vermaelen uu kasii ciyaari doono booska daafaca dhaxe ee Barcelona.

Iyadoo Ousmane Dembélé uu kusoo laabtay safka koowaad, Sergi Roberto ayaa laga yaabaaa inuu ka bedelo khadka dhexe Busquets .

Nelly Semedo ayaa kusoo bilaaban kara booska daafaca midig, halka Paulinho iyo Ivan Rakitic ay diyaar u yihiin ka ciyaaarista qadka dhexe.

Andrés Iniesta ayaa kula soo bilaaban doona weerarka Messi iyo Suarez, iyadoo Paulinho loo celin doono khadka dhaxe.

XAQIIQADA KULANKA

Tababaraha Barcelona Ernesto Valverde ayaa kujira 14 kulan oo aan laga badin horyaalka La Liga xilli ciyaareedkaan.

Bulugrana ayaa 14 guul iyo seddex barbaro heshay 17 kulan oo ay ka ciyaareen La Liga xili ciyaareedkaan.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Barcelona (4-4-2) Ter Stegen; Semedo, Piqué, Vermaelen, Alba; Roberto, Rakitic, Paulinho, Iniesta; Messi, Suárez

Levante (4-3-3) Olazábal; Coke, Postigo, Cabaco, Luna; Doukouré; Jason, Lukic, Lerma, Ivi; Nano

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...