Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

HORDHAC: Celta Vigo v Real Madrid – Sergio Ramos & Carvajal Oo Seegaya Kulanka Ugu Horeeya La Liga Los Blancos Ciyaareyso 2018

Published on January 7, 2018 by   ·   No Comments

Kooxda kaalinta 4aad ee La Liga Real Madrid ayaa booqan doonta Balaindos oo ay kula ciyaari doonto kooxda Celta Vigo.

Kulankii ugu dambeeyay La Liga Real Madrid ayaa qasaaro 3-0 ah kala kulantay Barcelona kulankii El Clásico, Los Blancos ayaana kujirta qaab ciyaareedkii xugu xumaa.

Real oo leh 31 dhibcood, waxay 6 dhibcood ka dambeeyaan kooxda booska saddexaad kujirta ee Valencia.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Balaidos  

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Sergio Ramos ayaa seegi doona garoomada isbuucyada soo socda, isagoo dhaawac muruqa ah kaga maqnaa tababarka.

Karim Benzema ayaa sidoo kale seegi doona safarka Vigo ,isagoo weli kasoo kabanaya dhaawac soo gaaray kulankii Clásico.

Carvajal ayaa sidoo kale seegi doona kulanka caawa ka dib markii uu casaan qaatay kulankii Barcelona.

Iyadoo Bale uu haatan dib u soo laabtay tababarka, Zinedine Zidane ayaa u dooran doona inuu shaxda kula soo bilowdo Ronaldo iyo Isco.

Achraf ayaa mar kale buuxin doona booska Carvajal oo ganaax kaga maqan kulankaan.

Casemiro iyo Kovacic ayaa kusoo bilaaban kara markale, halka Asensio, Kovacic, Vasquez iyo Ceballos kursiga keydka kusoo bilaaban doona.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Celtic: Blanco, Mallo, Cabral, Gomez, Jonny; Wass, Lobotka, Hernandez; Aspas, Sisto, Goméz Gonzalez

Real Madrid: Navas, Achraf, Varane, Nacho, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Isco, Bale, Ronaldo

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...