Thursday, April 19th, 2018
Advertisements
Advertisements

Howlgal ka socda Magalada Baladweyne kaddib askari lagu dilay Xalay

Published on January 13, 2018 by   ·   No Comments

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa saaka ka socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Howlgalka waxaa uu yimid kaddib markii askari ka mid ah Ciidamada dowladda oo ku sugnaa Xaafadda Buundaweynee Magaaladaasi xalay la toogtay iyada oo qoladii Askariga dishayna ay baxsadeed isla xilligaas.

Ciidamada ayaa baaraya Xaafadda Buundo weyn ee Magaalada oo uu falku ka dhacay,wararku waxa aay sheegayaan in Ciidamada howlgalka wada ay sidoo kale leeyihiin labo ujeeddo oo ah kala ogaanshaha cidda askariga dishay in ay Al-shabaab yihiin iyo on kooo kale oo burcad ah yihiin.

Ciidamada ayaana dhallinyarada weydiinaya su’aalo badan oo la xiriira waxa ay ka ogyihiin falka lagu dilay Askari ee xalay ka dhacay Buundo weyn.

Khamiistii Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kooxo isbaaroley ah ayaa ku dagaallamay duleedka Baladweyne waxaana ka dhashay khasaare labada dhinacba kala gaaray.

Askariga xalay lagu dilay xaafadda Buundaweyn ee Baladweyne ayaa ka tirsanaa Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Kooxo hubeysan oo Ganacsato Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika

April, 19, 2018
Kooxo burcad ah oo aan heybtooda la garaneyn ayaa xalay weerar ku qaaday goob Ganacsi oo ay muwaadiniin ...

{DAAWO SAWIRADA} Tuulo Suudaan ku Taala oo ay u dalxiis Tagaan basaasiinta Israa’iil!

April, 19, 2018
Tuulada Caruus oo ku taalla saxaraha dalka Sudan ee dhacda xeebta Badda Cas ayaa noqonaysa goobta ugu wanaagsan ...