Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta La Kulmaya Bulshada Gobolka Mudug

Published on January 14, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Frmaajo oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta la filayaa in uu la kulmo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Gobolka Mudug.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay Gelinkii dambe soo gaaray Gaalkacyo ayaa xalay ku hoyday Waqooyiga Gaalkacyo oo ay maamusho Puntland,waxaana Maanta la filayaa in uu furo kulan looga hadlayo dib u heshiisiin maadaama dhowr mar ay Gaalkacyo dagaalo ka dhaceyn.

Ammaanka Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay,waxaana lagu arkayaa Magaalada Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo kuwa gaar ah oo amniga xaqiijinaya.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay la hadlayay boqolaal ruux oo soo dhaweynayay ayaa sheegay in gaalkacyop ay noqon doonto Hoygii ama Hooyadii dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu tago deegaano ka mid ah kuwa Galmudug sida Cadaado iyo Dhuusa Mareeb.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...