Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxweyne Farmaajo oo socdaal dhanka dhulka ah ku maraya Bari iyo Nugaal

Published on January 11, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Qardho ee Gobolka Bari.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa si dirran ugu soo dhaweeyey Qardho kumanaan shacab ah oo isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada iyaga oo ruxaya calanka Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa meel fagaare ah kula hadlay shacabweynaha isugu soo baxay soo dhaweyntiisa waxa uuna ku ammaanay wadinayadda iyo rajada wanaagsan ee ay ka qabaan dalka.

“Walaalayaal soo dhaweyntiinna diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel, anagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taagerdiina sii waddaan oo aad garab istaagtaan dowladdiina.”

 

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu dhagax dhigay dhismaha faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Qardho oo ay hirgelinayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha oo ku socdaalayey dhanka dhulka inta uu ku guda jiray safarkiisa manta ayaa ku hakaday magaalooyin iyo deeganno ka tirsan Gobollada Nugaal iyo Bari, isagoo shacabka salaamayey xaaladahooda nololeedna ka waraysanayey,

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay waddo isku xiri doonta Dangorayo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, kahor intii aanay gaarin Degmada Qardho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...