Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Caabud Waaq tagay.

Published on January 12, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo maanta gaaray Magaalada Caabud waaq ayaa sheegay in safarkoodu uu salka ku hayo soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Farmaajo.

 

 

Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo guddiga soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya ayee kala hadlayaan waxyaabaha loogu talagay ka Degmo ahaan Madaxweyne Farmaajo.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka oo ugu horeyn hadlay ayaa sheegay in Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Galmudug uu berri si toos ah u bilaabanayo, Bulshada Qeybaheeda kala duwan oo hogaan u yahay Maamulka Magaalada laga doonayo sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen Martida ku wajahan.

 

 

Cali Gacal Casir ayaa dhankiisa Sheegay in Abaabul Soo dhaweyn uu ka soconayo Deegaanada Galmudug, waxa uuna dalbaday in aanan loo kala harin Soo dhaweynta Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Gacal ayaa markii ugu horeysay tagay Magaalada Caabud waaq tan iyo markii uu ku guuleystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, waxa uuna tilmaamay in safarkoodu yahay sidii ay ugu guur-gali lahaayeen Xaaladda ay ku sugan tahay Magaaladaasi iyo gogol dhac ay u yihiin Xubnaha halkaa ku wajahan.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Berri ku wajahan Magaalada Gaalkacyo oo qeybo kamid ah Maamulaan Maamulka Galmudug, waxaana halkaa kaga bilaabanaya Socdaal uu ku bixin doono Gobolada Mudug iyo Galgaduud, kadibne Dhuusa Mareeb ugu qeyb gali doono gogoshada lagu dhameynayo Heshiisyada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...