Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Madaxweyne Soomaaliya oo laga sugayo deegaanada Galmudug

Published on January 13, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan socdaal ku maraya gobolo ka tirsan dalka ayaa laga sugayaa deegaanada Galmudug.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa socdaal dhulka ah ku tagay magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, waxaana la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Waxaana kadib la qorsheynayaa inuu kaga sii gudbaa deegaanada Galmudug oo diyaar garow xoogan uu ka socdo.

 

Magaalada Dhuusomareeb iyo magaalooyin kale oo Galmudug ka tirsan ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garowga dadweynaha iyo maamulkaba ay sameynayaan si ay usoo dhaweeyaan madaxweynaha dalka.

 

Madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda Galmudug ayaa dhankooda shaaciyay inay diyaar garow ugu jiraan sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen wafdiga madaxweynaha Soomaaliya.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...