Man United Oo Cabsi Ka Qabta In Jose Mourinho Uu Iska Casilo Shaqada Tababare Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan & Daily Mail Oo Sharaxday Sababta

0
3

Sida ay qortay saaka jariirada Ingariiska ee Daily Mail waxaa jira walaac isa soo taraya oo ku aadan in Jose Mourinho uusan tababare ka soo noqon doonin Manchester United xilli ciyaareedka danbe.

Waxaa jira dareen kala qeybsanaan ah, iyadoo dadka ku dhow dhow madaxda Manchester United ay ka walwal qabaan inay taasi keeni karto in Jose Mourinho uu iska casilo shaqada dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mid ka mid ah dadka warkaan laga soo xigtay oo u waramayay Daily Mail ayaa sheegay in Mourinho laga arkayo dabeecadaha looga bartay xilli ciyaareedyada seddexaad ee uu koox la joogo inkastoo uu Red Devils joogo xilli ciyaareedkiisii labaad.

 

“Jose waxa uu u muuqdaa inuu qabo cudurkiisa xilli ciyaareedka seddexaad inkastoo ay sannad inooga soo hormartay anaga” ayuu yiri qofkaas.

 

Shaqaalaha kooxda Manchester United ayaa u arka Mourinho inuu yahay shaqsi ka soo go’aya kooxda inteeda kale, waxaa sii yaraaneysa xiriirka gaarka ah ee uu la leeyahay shaqaalihiisa tababarka isagoo xitaa waqti ka yar sidii hore ku qaadanaya Manchester.

Sida uu dhawaan wareysi ku sheegay gurigiisa waa London, wax qarsoodi ahna kama dhigin go’aankiisa uu ku degan yahay huteel inta uu joogo Manchester United.

Inkastoo ay tahay mid caadi ah in Mourinho uu had iyo jeer booqdo qoyskiisa oo degan magaalada London, hadana dadka u dhow dhow kooxda ee ay Daily Mail la hadashay waxa ay sheegayaan inay walaac ka qabaan sababta xaaskiisa ay ugu soo guuri la’dahay Manchester madaama ciyaalkooda ay guriga ka baxeen oo waxbarasho ay ku maqan yihiin.

Awooda ay Manchester City la soo baxday xilli ciyaareedkan iyo sida uu Pep Guardiola u soo jiitay indhaha caalamka kubada cagta gaar ahaan tan magaalada Manchester ayaa iyadana qeyb ka ah sababta uusan Mourinho ugu faraxsaneyn sii joogistiisa Old Trafford.

Laakiin taasi waa qeyb yar oo ka mid ah sababaha Mourinho loola xiriirinayo inuu shaqada isaga tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxa ay sidoo kale isku dhacsan yihiin maamulka kooxda kuwaasoo uu u arko inay ka cagajiidayaan inay maalgeliyaan kooxda halka boodhka ay iyaguna u arkaan inay lacag ku filan oo 300 milyan ginni kor u dhaafeysa ay ku maalgeliyeen kooxda intii uu Mourinho joogay.

Wararka la xiriirinaya shaqada kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa iyadana ah mid saameyn ku yeelan karta Mourinho kaasoo sheegay inuu la dhacsan yahay barnaamijka kooxda Faransiiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here