Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Manchester United Oo Diyaarineysa Qorshe Ay Ku Kulmineyso Alexis Sanchez & Mesut Ozil Xilli Ciyaareedka Soo Aadan, Balse Waa Iney Mid Hesho Bishaan.

Published on January 13, 2018 by   ·   No Comments

Manchester United ayaa diyaarineysa qorshe ay lix bilood ku kulmiso xidigaha sadexda sano ka wada tirsanaa Arsenal ee Mesut Ozil & Alexis Sanchez, balse waa iney midkood hesho inta lagu jiro bishaan January.

Red Devils waa kooxda ugu cad-cad loolanka labada xidig, balse warbaahinta Ingiriiska ayaa aad u hadal qaaday in Alexis Sanchez uu haatan kusii dhawaanayo ku biiritaanka Red Devils madama ay diyaar ula tahay rabitaan walba, sidoo kalana ay diyaar u tahay iney bixiso qiimaha ay duldhigtay kooxdiisa Gunners.

Mourinho wuxuu doonayaa inuu ka faa’ideysto Gunners oo xaaladda ku xun tahay isla markaana ku guuleysan weysay iney heshiis cusub ka saxiixdo xidigaheeda muhiimka ah, macalinka reer Portugal ayaana doonaya inuu soo helo labada xidig ee ugu miisaank culus.

Qorshaha kooxda ka dhisan Old Trafford wuxuu ahaa iney xagaaga soo aadan u dhaqaaqaan kaliya Mesut Ozil kaas oo xor noqon doona, balse wax walba waxey is badaleen maalmahii lasoo dhaafay markii ay ogaadeen in Citizens ay ka caga jiideyso arinta Sanchez iyo rabitaankiisa.

Waxaa la fahamsan yahay hadii ay helaaan Sanchez inta lagu jiro bishaan January, iney sidoo kale ka shaqeyn doonaan sidii ay bartamaha sanadkaan ku keeni lahaayeen Mesut Ozil – waana guuldaro weyn oo soo gaari karta Gunners madaama ay ka hor imaan doonaan iyagoo cadaw ku ah.

Jose Mourinho mar walba wuxuu aaminsan yahay in awoodda Mesut Ozil ay tahay mid mar walba shaqeyn karta madama ay sadex sano kasoo wada shaqeeyeen garoonka Santiago Bernabeu.

Ugu dambeyntiina Red Devils waxey ku fakareysaa xilli ciyaareedka soo socda iney waji libaax leh ku bilaabato isla markaana ay mideyso labadaan xidig.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...