Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

Maxamed Saalax oo noqday ciyaaryahanka ugu fiican Afrika

Published on January 5, 2018 by   ·   No Comments

Weeraryahanka u dheela kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Africa.

Abaalmarintan oo ay u tartamayeen dhowr ciyaartoy oo afrikaan ah ayaa aaqirkii waxaa ku guulaystay Maxamed Saalax oo horyaalka England ka dhaliyay 23 gool.

Waxaa sidoo kale tartanka kula jiray Sadio Mane oo ay ka wada dheelaan kooxda Liverpool iyo rag kale oo caan ah.

Waxaa lambarka sadaxaad galay Pierre-Emerick oo kooxda Borussia Dormund u ciyaara.

Maxamed Saalax ayaa xulka qaranka ee dalkiisa u suurtogaliyay inay u soo gudbaan tartanka koobka aduunka ee dalka Ruushka ka dhacaya sanadkan.

Maxamed Saalax ayaa kooxda Liverpool waxay kasoo iibsatay kooxda Roma ee dalka Talyaaniga.

Dhinaca gabdhaha waxaa ciyaaryahanada ugu fiican loo aqoonsaday Asisat Oshoala oo dalka Nigeria u dhalatay.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...