Michael Keating iyo Muuse Biixi oo ku kulmay Hargeysa

0
25

Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa maanta tagay Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating,waxaana uu halkaas kula kulmay Madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi iyo Michael Keating ayaa kulankooda wax yaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa muranka dhinaca hawada ee Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Somaliland.

Intii uu kulanka socday ayuu Keating,ka sheegay in ay muhiim tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo wadahadalka dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Somaliland.

Taas oo uu sheegay in ay muhiim u tahay dhameynta muranka dhinaca Hawada ah ee Dowladda dhexe iyo Somaliland.

Somaliland ayaa ka biyay diidday maamulka Hawada dalka ee loo soo wareejiyay Muqdisho,waxaana ay sheegtay in aysan aqbaleyn go’aanka dowladda Federaalka ah kula wareegtay Hawada dalka.

Somaliland waxaa ay 1991kii ku dhawaaqday in ay ka go’day Somaliya inteeda kale hayeeshee wali dalna uma aqoonsan dal ka madaxbanaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here