Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

Muxuu Garsoore Hore Graham Poll Ka Yiri Rigooradii Loo Dhigay Eden Hazard & Istuuristii Lagu Eedeeyay Jack Wilshere Kulankii Xalay Ee Arsenal & Chelsea

Published on January 4, 2018 by   ·   No Comments

Kulankii xalayto ee Emirates Stadium ka dhacay waxa uu ahaa kulan xiiso badan lahaa inkastoo kooxaha reer London ee Arsenal iyo Chelsea ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

Toban daqiiqo ka hor inta uusan Jack Wilshere hogaanka u dhiibay Arsenal waxaa lagu eedeeyay inuu istuur sameeyay isagoo ka badbaaday inuu qaato jaale labaad taasoo ciyaarta ka saari laheyd.

 

Sidoo kale goolkii ay Chelsea ku barbareysay ciyaarta waxa uu ahaa rigoore loo dhigay Eden Hazard ka dib markii uu qalad kala kulmay Hector Bellerin, laakiin Arsene Wenger ayaa go’aanka garsooraha ee rigoorada ku tilmaamay mid lagu qoslo.

Hadaba garsoorihii hore ee Premier League Graham Poll ayaa maqalkiisa uu ku qoray saaka shabakada Daily Mail waxa uu kaga hadlay labada dhaco iyo sida ay isaga la tahay.

 

“Jack Wilshere waxa ay aheyd in casaan lagu siiyo istuuristii waalida aheyd ee uu sameeyay, laakiin nasiib wanaagiisa gasoore Anthony Taylor waxaa dhacdada ka qariyay ciyaartoy kale.” ayuu yiri.

“Jaalihii la siiyay xiddiga khadka dhexe ee Arsenal qeybtii hore waxa ay aheyd mid sax ah madaama uu taakal aan loo meel dayin uu ku qabtay Cesc Fabregas.

“Laakiin isagoo ogsoon inuu jaale qabo, doqonimo ayay ku aheyd inuu istuuro markii ay kubada ku xariiftamayeen isaga iyo Andreas Christensen qeybtii labaad.”

Isagoo ka hadlayay dhacdadii Eden Hazard rigoorada loogu dhigay islamarkaana uu kooxdiisa Chelsea u barbareeyay ka dib markii Jack Wilshere hogaanka u dhiibay, waxa uu garsoore hore Graham Poll sheegay inay gool ku laadka sax aheyd.

“Go’aan sax ah ayay aheyd in qaladkii uu Hecter Bellerin ku galay Eden Hazard rigoore loo dhigo Chelsea.

“Waxa uu ahaa qalad laga maarmay, waxaan isweydiinayaan haddii Arsene Wenger uu dhaaleeceyn doona daaficiisa.

“Laakiin sida iska cad waxa uu weli eedeynayaa garsoorayaasha.”

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...

{Akhriso} Baarlamaanka Puntland oo xukuumadda ka dalbaday in ay difaacdo Tukaraq

January, 18, 2018
kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay ...