Thursday, January 18th, 2018
Advertisements
Advertisements

RASMI: Tababarihii Toddobaad Oo Laga Ceyriyay Kooxaha Premier League Xili Ciyaareedkaan

Published on January 7, 2018 by   ·   No Comments

Mark Hughes ayaa laga ceyriyay shaqada tababare ee kooxda Stoke City saacado ka dib markii ay kooxda guuldarro kala kulantay FA Cup wareegiisa seddexaad kooxda Coventry City.

Shan guuldarro ayaa soo gaartay todobadii kulan ee ugu dambeysay Premier League kooxda taasoo keentay in ay fariistaan kaalinta ugu hooseysay horyaalka.

Tababare Hughes oo ah 54-jir, wuxuu ahaa maamulka Potters muddo afar sano iyo bar ah.

Stoke oo la ciyaareysa United 15ka Janaayo, ayaa weli magcaabin macalinka cusub ee kooxda hogamin doona, laakiin war kasoo baxay kooxda ayaa lagu sheegay in sida ugu shaqsiyaha badan loo magcaabayo tababaraha cusub ee kooxda.

Qeyb ka mid ah taageerayaasha Stoke ayaa soo dhaweeyay ceyrinta tababare Mark Hughes oo kujiray xili ciyaareedkiisii ugu xumaa.

Ka dib  markii 200-kulan uu hogaamiyay tartamada oo dhan, Hughes ayaa laga ceyriyay shaqada kooxda Stoke City.

Hughes waa tababarihii toddobaad ee kooxaha Premier League laga ceyriyay xilli ciyaareedkan.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DHAGEYSO: Warka Fiidnimo ee Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne

January, 18, 2018
Dhageystayaal waxa halkan idiin kugu soo gudbineynaa warka Fiidnimo ee Radio Hiiraanweyn ee Magaalada Baladweyne warka waxa soo ...

DAAWO: Galmudug Iyo Ahlusuna Oo Midoobay Iyo Calanka Galmudug Oo Laga Taagay Magaalada Dhuusamareeb

January, 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu dhameystirayay heshiis ay Muqdisho ...