Shabakadda Don Balon Oo Dunida Mar Kale Ka Yaabsatay: “Jose Murinho Oo Ku Hanjabay Inuu Ka Tagi Doono Old Trafford Hadaan Loo Keenin N’Golo kante”

0
56

Jose Mourinho ayaa ugu hanjabay maamulka Manchester United inuu aadi doono Paris Saint Germain sida ay sheegeen warbixino ka imaanaya gudaha Spain, balse kaliya halka shuruud oo uu ku joogi karo ee la baahiyay waa mid ka yaabsatay dunida kubadda cagta.

Macalinka reer Portugal ayaa u sheegay maamulka kooxda inuu joogi doono hadii kooxdiisa lagu soo kordhiyo burburiyaha Blues N’Golo Kante, kaas oo ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan ee ay ku dhaq-dhaqaaqdo kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Mourinho wuxuu dhawr jeer soo hadal qaaday sida aysan kooxdiisa ula tartami karin Manchester City madama aan dhaqaalo badan kooxda la galin, basle markaan wuxuu qabaa in xidigii hore Foxes uu kooxdiisa xoojin karo.

 

Shabakadda Don Balon ayaa qortay in Red Devils ay diyaarineyso qorshe dhan 159 Malyan oo Pound oo ay miiska u saareyso Blues si ay kaga soo qaadato N’Golo Kante si ay ugu xoojiso khadka dhexe.

Michael Carrick ayaa galay lixdiisii bilood ee ugu dambeysay waayahiisa Red Devils, madama uu ku dhawaaqay inuu fariisan doono dhamaadka xiilli ciyaareedkaan, sidoo kalana waxaa u dheeri ah inuu qabo dhibaato dhanka wadnaha ah.

Marouane Fellaini ayaa sidoo kale la filayaa inuu isaga guuro kooxda madama uu heshiiskiisa dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, sidaas darteed kooxda waxey ku qasban tahay iney hesho xidig khadka dhexe si fiican uga shaqeyn kara.

Warbixinta Don Balon ayaa imaaneysa xilli dhawaan lala xiriiriyay Jose Mourinho inuu aadayo Paris Saint Germain, sidoo kalana uusan jirin wax sheeko ah oo ku saabsan N’Golo Kante inuu ka dhaqaaqayo Blues.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here