Sunday, January 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo la wareegtay kastamkii Tukaraq

Published on January 13, 2018 by   ·   No Comments

Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Somaliland ayaa xafiis ka furatay Magaalada Tukaraq oo todobaadkii hore Ciidamada Somaliland ay kala wareegeen kuwa Maamulka Puntland.

Saraakiil ka socda Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Somaliland ayaa gaaray tuulada Tukaraq waxaana ay alkaas ka hirgeliyeen xafiirka Canshuuraha ee Kastamka Magaalada Tukaraq halkaas oo wasaaraddu ay ku qaadi doonto canshuurta.

Isku duwaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee Gobolka Sool oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda gaar ahaan laanteeda Gobolka Sool ay halkaas ka billaabeyso canshuur qaadista islamarkaana SOmaliland ay meel ka mid ah dhulkeedii tagtay oo ay howlihii adeegyada shacabka ka qabaneyso.

Mahad Cilmi Anqaashe oo ah Taliyaha Ciidamada qeybta 7aad ee Somaliland ayaa isna goobta ka sheegay in Ciidamada Somaliland ay dhallinyaro la qalday sida uu sheegay kula dagaallameen Tukaraq islamarkaana 25 ka mid ah ay Maxaabiis ahaan u hayaan.

Waxaa uu Puntland ugu baaqay in ay dhibaatada joojiyaan Tukaraqna ay ka mid tahay degaannada Somaliland,dhinaca kale waxaa uu sheegay in Laas Caanood ay tahay Magaalo sida uu yiri laga xoreeyay Puntland sanado ka hor mar kalena aan dib ugu laabaneyn gacanta Maamulka Puntland.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{AKHRISO} Amaro La Dul-dhigay Shaqaallaha Ajaanibta ah Ee Ka shaqeeya M/Muqdisho

January, 21, 2018
Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa Amar kusoo rogtay shaqaalaha ajaanibta ee ka howlgala Goobaha Caafimaadka ee ku yaalla ...

Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota

January, 21, 2018
Deg Deg Gudoomiye Thaabin Oo Iskumagacaabay Xilka Gudomiyaha Gobolka 2sano Ee Soosocota