Aabaha Neymar Oo Xaqiijiyay Inta Uu Qaadan Karo Dhaawaca Wiilkiisa

0
325

Weeraryahanka kooxda Paris St-Germain Neymar ayaa garoomada ka maqnaan doona ugu yaraan muddo lix isbuuc ah, waxaana uu seegi doonaa kulanka Talaadada soo socota lugta labaad ee wareega 16ka Champions League kooxdiisa ku wajaheyso Real Madrid, sida laga soo xigtay aabaha ciyaaryahanka.

Ciyaaryahanka reer Brazil oo 26 sanno jir ah ayaa dhaawac jilibka ah uu soo gaaray kulankii axadii horyaalka Ligue 1 PSG kaga badisay kooxda Marseille.

Tababaraha kooxda PSG Unai Emery ayaa sheegay in Neymar uu fursad u heli karo inuu wajaho Real Madrid, isagoo beeniyay wararka sheegaya inuu u baahan yahay qaliin.

Laakiin Aabaha Neymar ayaa sheegay in PSG ay ogyihiin inaysan xaalada aheyn mid sahlan islamarkaana wiilkiisa uusan awoodi doonin inuu ciyaaaro kulanka Real Madrid.

Wuxuu u sheegay ESPN Brazil: “Daaweyntiisa waxay socon doontaa muddo lix ilaa sideed isbuuc ah, haddii uu u baahan yahay qaliin weli lama cadeyn.

Weeraryahankan ayaa ugu biiray PSG aduun lacageed dhan 200 Milyan oo ginni bishii August ee sannadkii hore, waxa uu dhaliyay 29 gool 30 kulan oo uu saftay tan iyo waqtigaas.

“Neymar wuxuu doonayaa inuu ciyaaro kulan kasta – wuxuu diirada saarayaa kulanka Real Madrid” ayuu yiri Emery oo la hadlayay saxaafada.

“Waxaan qabaa inay jirto fursad yar oo uu diyaar ku noqon karo kulanka Real Madrid “ayuu yiri tababare Emery.

PSG ayaa 14 dhibcood oo nadiif ah ka sareysa kooxda Monaco horyaalka Ligue 1, waxaana 6da March ay marti gelin doonaan Real Madrid oo lugtii hore kaga badisay 3-1.