Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Agaasimiha wasaaradda Ganacsiga oo diiday xilka qaadistii lagu sameeyay

Published on February 14, 2018 by   ·   No Comments

Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu dhawaan shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay in uu aqbalay shaqo joojinta wasiirka laakiin uu diiday shaqo ka eryidda wasiirku sheegay.

Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in uu la soo shaqeeyay 10 Wasiir,markii ugu horreysayna wasaaaradda khilaafkeeda soo baxay iyada oo uu Wasiir maareeye Bil iyo labo  maalmood  wasiir yahay.

Ducaale waxaa uu sheegay in uusan wasiir xilka ka qaadi karin,sidoo kalena uu heysto ansixin gole wasiirro iyo digreeto madaxweyne sidaas darteedna uu madaxda ugu baaqayo in ay arrintan fara geliyaan.

Dhinaca kale wasiir Ganacsiga ayuu ka dalbaday in uu caddeyn u keeno eedaha uu u jeediyay isaga ee shaqo ka joojintiisa uu u cuskaday.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Sida loogu so dhaweyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Warbixiyey Safarkiisa Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...